Muqdisho,(insidesomalia.org)-Isrisaaseyntaan oo galabta ka dhacday Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta lagu iibiyo qudaarta ayaa waxaa ku dhaawacmay sedax qof oo rayid ah.
Mid ka mid ah sedaxdii qofood ee dhaawacmay ayaa la tilmaamayaa in dhaawiciisa uu yahay mid culus,waxaana uu ahaa nin Caday ku iibinayay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Dhinacyadan ku dagaalamay Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay isku adeegsadeen rasaasta fud fud, taasi oo cabsi ku beyrtay dadka ku Ganacsada Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta lagu iibiyo Qudaarta sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.
Xaalada Suuqa Bakaaraha ayaa maalmahaan waxa ay aheyd mid degan, iyadoo Xabadihii ay isweydaarsanayeen labada Kooxood ay hakad galisay dhaq dhaqaaqii Ganacsiga iyo isusocodka dadka, wallow markii denbe uu dib u soo laabtay uu ufurmey Suuqa.